Laporta oo fariin dahsoon u diray taageerayaasha Barcelona kaddib kulankii xalay ee Granada

Laporta oo fariin dahsoon u diray taageerayaasha Barcelona kaddib kulankii xalay ee Granada

 


Joan Laporta ayaa taageerayaasha kooxda Barcelona kula xiriiray boggiisa gaarka ah ee Twitter –ka, wuxuuna u diray fariin ku aadan qalbi-Jabkii kulankii  Granada.

Kooxaha Barcelona iyo Granada ayaa dhibcaha ku qeyb saday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Ciyaartii ugu dambeysay ayaa xaqiijisay in xilli ciyaareedka hadda uusan u fiicnaan doonin Barca, oo ku guuldarreysatay inay ku badiso taageerayaasheeda dhexdooda, taasoo keentay inuu ka hadlo madaxweynaha kooxda Joan Laporta.

Haddaba Joan Laporta ayaa muuqaal uu soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Twitter–ka, wuxuu kula hadlay taageerayaasha kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:

“Waxaan rabaa inaan idiin soo diro farriin qalbi qaboojin leh…. waan ognahay waxa ay tahay inaan sameyno waana hagaajin doonnaa.”

“Toddobaadkan wafdi ka socda Barcelona ayaa tegi doona kulanka Cádiz, waxaan hubsan karnaa in kooxda ay isku dayi doonto inay badiso, laakiin wax kasta oo dhaca, kulanka xiga waxaa la ciyaari doonaa Levante dhammaadka toddobaadka.”

“Wax kasta oo dhaca, sii wada taageerida kooxda sida aad mar walba samaysaysaan .. Waxaan u malaynayaa in kooxda ay u baahan tahay taas.”

Developed by Jago Desain