Midowga Yurub oo dalab hordhigay M/weyne Farmaajo & Rooble

Midowga Yurub oo dalab hordhigay M/weyne Farmaajo & Rooble

 


Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dawlada fedraalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Waxa uu khilaafkaani xoogaystey kadib markii madaxweyne Farmaajo hakiyay awoodaha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,oo uu Ku eedeeyay in uu distuurka baalbaray waxaana saacado kadib tallaabadaas ka jawaabay Rooble oo sheegay in Madaxweynaha uu wado Jabinta heshiisyadii doorashada, .

Developed by Jago Desain