NISA oo shaacisay in hogaanka hay'adda uu la wareegay G/Sare Yaasin Fareey

NISA oo shaacisay in hogaanka hay’adda uu la wareegay G/Sare Yaasin Fareey


Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Munaasabad Maanta ka dhacday Xarunta Habar Khadiijo uu xilka kula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi ee uu magacaabay Farmaajo.

Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi ayaa xilka kala wareegay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Madaxtooyada shaacisay inuu is Casilay, isla markaana Madaxweynaha muddo xileedkiis dhammaaday Farmaajo uu Yaasiin Fareey u dhiibay xilka NISA.
“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA.
Developed by Jago Desain