Puntland oo dayactiraysa Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland xilli aan laga warhayn Gobolka Gardafuu

Puntland oo dayactiraysa Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland xilli aan laga warhayn Gobolka Gardafuu

 

Garoowe: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa Garoowe iyo deegaanka Birta dheer.

Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland, inkastoo dawlad goboleedka puntland aysan gaarin Gobolada ka baxsan laamiga ee gaari-waa gaar ahaan gobolka gardafuu oo kala go'an iyadoo hada kahor ay culimada iyo guddi ay u magaacawday dawladu gurmadka wadooyinka gobolka Gardafuu ay gobolka u uruuriyeen dhaqaaale badan , dhaqaalahaas oo aysan wali ka hadlin dawlad goboleedka puntland meshuu ku danbeeyay , iyo in dhaqaalahaasi la musuqmaasuqay iyo sababta wali wax loogu qaban waayay ,

waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay dhagax dhiga maanta Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.










Developed by Jago Desain