Soomaaliya & Indonesia oo ka wada-hadlay fududeynta Ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magac

 


Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin.

labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Indonesia.

Dhinacyadu, waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kale na aynnu muddo dheer la lahayn xiriir soo jireen ah oo ku saabsan dhinacyada Ganacsiga.

Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin ayaa dhankiisa u mahad celiyay Wasiirka, waxaana uu sheegay inay kordhinayaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Indonesia oo kamid ah dalalka Islaamka ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya dhowr jeer kala hadashay kor u qaasida iyo fududeynta dhanka Ganacsig walow aysan suurtogelin.

Developed by Jago Desain