Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya

Raggii waday Doonta ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana jira dhaawac mid kamid ah muhaajiriinta oo ay qaadiin ciidamadii Gurmadka ugu yimid. Til

 


Ciidamada badda ee dowladda Liibiya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 33 ruux oo ah tahriibayaal, xilli ay ku safrayeen xeeb aha dalkaasi kuna sii jeedeen dalka Talyaaniga.

Saraakiisha ciidamada badda ayaa sheegay in dadkaan ay ka baxeen xeebta Zuwaara, balse cillad soo wajahday ay keentay in ay gargaar deg deg ah u sameeyaan.

Dadka doonta saarnaa ayaa la sheegay in ay kala dhasheen wadamada Soomaaliya, Suudaan,  Ivory Cost iyo Nigeria.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkaan 4-Carruur & 8-Dumar ah, Qorshahoodu waxa uu ahaa in ay gaaraan Dalalka Yurub iyaga oo ka tallaabaya Biyaha Caalamiga iyo Badda Mediterranean-ka inkasta oo aanay u suuragelin hamigooda.

Raggii waday Doonta ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana jira dhaawac mid kamid ah muhaajiriinta oo ay qaadiin ciidamadii Gurmadka ugu yimid.

Tillaabadaan ayaa ku soo adaysa xilli dalalka Faransiiska iyo Ingriiska ay ku yabooheen lacag gaareysa 54 Malyan si wax looga qabto falalka tahriib sii kordhaya.

Faransiiska ayaa sheegay in 174 muhaajiriin ah oo saarnaa lix doonyood ay yimaadeen Jimcihii, taasoo tirada guud ee muhaajiriinta sannadkan timid ka dhigaysa 15,116, oo gaadhay 8,420 sannadkii hore.

Developed by Jago Desain