Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaatay Shirkadda Favori LLC

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaatay Shirkadda Favori LLC

 


Wasiirka Wasaaradd Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Farax ayaa ka qaybgalay Maanta Kulan ay  Martigelisay Shirkadda Favori LLC ee ka shaqaysa Hormarka Garoonka Muqdisho loogana hadlayey Mashruuca dayactirka  {Run} wayga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport.

Kulan kan oo ay  goob-joog ahaayen  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan iyo Mas’uulinyiin kale.Shirkadda Favori LLC oo soo bandhigtay Dayactirka ay ku sameynayso  wadada ay Diyaaraduhu ku soo dagaan kana kacaan,  waxaana Dayactir ugu dambeysay 1960.

kulankan oo lagu falanqeynayey caqabadaha ka dhalan kara Mashruuca dayactirka iyo sida looga yareyn lahaa saameynta  Mashruucani ku yeelan karo duulimaadka.

Shirkadan Favori ee laga leeyahay Dalka Turkiga oo aan nahay laba Dal oo walaala ah ayaa Dawladda Soomaaliya ka caawisa Mashaariicyo badan oo ay tani ka mid tahay.





Developed by Jago Desain