Xafiiska Ra'iisul Wasaare Rooble oo doonaya Lacagtii Imaaraatka ee lagu qabtay

DEG-DEG :- Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha awoodiisa la dhimay ayaa cadaadis ku bilaabay madaxda Bangiga Dhexe si ay u beeniyaan warqad si sir ah

 


DEG-DEG :- Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha awoodiisa la dhimay ayaa cadaadis ku bilaabay madaxda Bangiga Dhexe si ay u beeniyaan warqad si sir ah uga baxaday laguna doonayay in lagula baxo lacag in muddo ah ku xayirnayd Bangiga Dhexe oo horey loogu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo ay Dowladda Imaaraatka si sharci darro ah doonaysay inay ku soo galiso Soomaaliya.

Arintaan ayaa fajac ku noqatay bulshada Soomaaliyeed kadib markii caawa Baraha Bulshada lagu faafiyay warqad ku socotay Bangiga Dhexe oo uu RW ku dalbaday in lagu wareejiyo Koonto uu Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha leeyahay isagoo sheegay in lacagtaasi ay Dowladda Imaaraatka u fasaxday.

Dhacdadaan ayaa  abuurtay guux aad u faro badan iyo in loo arkay in RW Maxamed Xuseen Rooblle oo ku doonayo inuu si sharci darro ah ugu takri falo awoodiisa una lunsado lacagtaas taasoo dhaawacaysa barnaamijka dayn cafinta oo meel gabogaba ah marayay.

Developed by Jago Desain