Xogta dhex-dhexaadinta Madaxweyne FARMAAJO iyo Raisulwasaare ROOBLE ee xalay iyo waxa kasoo baxay



Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha Dawlada fedraalka soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisulwasaaraha xukuumada xilgaarsiinta mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaallada ayaa waxaa wada madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay kulamo duwan la yeeshay labada mas’uul.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa kulankii ugu horreeyey oo saacado badan qaatay la yeeshay ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aanay wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin kadib saacado ay wada-hadlayeen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxda dawlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay 48saac ee lasoo dhaafay dadaal ay ugu jireen xalinta Khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Federaalka, lafilayana in ay is horkeenaan.

5 saacadood kadib ayaa wada hadalkan ka furmi doonaa Aqalka Madaxtooyada, gaar ahaana Xafiiska M/weyne Farmaajo, sida ay xaqiijinayaan Ilo kamid ah Madaxda dhexdhexaadinta, dadaalkooda ayaa ah labada maamul ee In laga gudbo caqabadaha khilaafka keenay.

Wada hadaladu waa kuwa kusaleysan Isbedelada laamaha Amniga ee lasameeyey, sidii xalintooda looga hadli lahaa.

Haddii is faham wanaagsan Farmaajo iyo Rooble, gaaraan ayaa ka dhignaan doonta in laga gudbay caqabado taagnaa, Doorashadana la bilaabi doono

Developed by Jago Desain