Badda Koonfurta Shiinaha: Maxaa ku dhacay markabka Mareykanka ee nuclear-ka xambaarsan?

15 naaquude oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay kaddib markii markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka uu ku dhawacay "wax aan

 


15 naaquude oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay kaddib markii markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka uu ku dhawacay "wax aan la aqoonin" xilli uu dhex socday biyaha ku dhow badda Koonfurta Shiinaha.

Maalintii Sabtida ayuu shilkan ku dhacay markabka oo lagu magacaabo USS Connecticut, naaquudeyaashana waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Waxa ay mas'uuliyiintu intaas ku dareen inaan ilaa hadda la aqoonin sababta ay ku dhacday arrintan.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu hadda ku wajahan yahay dhulka uu Mareykanku leeyahay ee Guam.

"Wax jug ah ma aysan gaarin qaybta nuclear-ka ku tallaalan yahay ee markabka USS Connecticut, si fiican ayayna u shaqeynayaan qaybihiisa kala duwan," ayuu yiri afhayeenka oo soo saaray bayaan.

Waxa uuse intaas ku daray in wali la qiimeynayo waxyeellada shilkaas kasoo gaartay markabkan sida hubka halista ah.

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli xiisadaha ka aloosan gobolkan aadka loogu muransan yahay ay sii xoogeysteen, halka Shiinaha iyo Taiwan oo cadaawad ka dhaxeysana ay isku sii xumaadeen dhawaanahan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku aaddan xiisadda Shiinaha iyo Taiwan ayaa sheegayay in Beijing ay ku xad gudubtay hawada difaaca ee Taiwan.

Maxay muran u dhalisay Badda Koonfurta Shiinaha?

Markabkan waxyeelladu gaartay ee USS Connecticut waxa uu ka howl galayay mid ka mid ah gobollada uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay ee caalamka.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegata in ay leedahay inta badan badda Koonfurta Shiinaha, balse dalalka ku hareereysan iyo Mareykanka ayaa ku gacan seyray sheegashadaas.

Waddamada kala ah Philippines, Brunei, Malaysia, Taiwan iyo Vietnam ayaa dhammaantood qayb ka ah muranka, waxayna muddo tobannaan sano ah kasoo hor jeedaan in Shiinaha uu leedahay baddaas, laakiin xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa sii xoogeysatay sannadihii ugu dambeeyay.

Washington ayaa la safan inta badan waddamadan oo ay ku taageersan tahay muranka ka aloosan dhulkaas.

Waxay u xoogeysaneysaa xiisadda ka taagan Asia-Pacific?

Dhacdadan ugu dambeysay ee markabka ayaa kusoo beegantay dhowr isbuuc uun kaddib markii dalalka Mareykanka, UK iyo Australia ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ku aaddan amniga gobolka Asia-Pacific, tallaabadaas oo loo arkayay mid ka dhan ah Shiinaha.

Heshiiska oo magaciisa loo soo gaabiyo Aukus ayaa ka dhigan in Mareykanka uu xog la wadaago Australia si ay u sameysato maraakiibta badda hoosteeda quusa ee nuclear-ka xambaara oo u gaar ah iyada.

Dhanka kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in "uu aad uga walaacsan yahay" ficillada hagardaaminaya hannaanka nabadeed ee geeddi-socodka Taiwan, kaasoo kala saaraya Taiwan iyo Shiinaha.

Waxa uu Mr Sullivan hadalkan jeediyay kaddib markii uu Shiinaha diyaarado militari oo ah kuwii ugu badnaa abid u diray hawada difaaca ee Taiwan, kuwaasoo afar maalmood oo xiriir ah dhaqdhaqaaqyo sameynayay xilligaas.

Mar la weydiiyay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu tallaabo militari u qaadayo si uu u difaaco Taiwan ayuu Mr Sullivan yiri: "Waxa aan dhahayo waa sidan, hadda waxaan qaadeynaa tallaabo aan isugu dayeyno inaan ka hor tagno maalin noocaas ah inay abid nasoo marto."

Arbacdii, wasiirka gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegay in Shiinaha uu u muuqdo inuu diyaar u yahay sidii uu "dagaal buuxa" ugu qaadi lahaa jasiiraddan wixii loo gaaro 2025-ka.

Taiwan ayaa isu aragtay inay tahay dowlad madax-bannaan, halka Shiinaha uu dhankiisa u arko inay tahay gobol khiyaanay iyaga ayna tahay in dib loogu soo celiyo Shiinaha, taasna la sameyn doono xitaa haddii ay lagama maarmaan noqoto in xoog loo adeegsado.



Developed by Jago Desain