Ciidamada badda Iran oo iska caabiyay weerar ay burcad -badeed ku qaadeen maraakiib shidaal oo marayay gacanka cadmeed

Ciidamada badda ee Iran ayaa iska caabiyay weerar ay burcad -badeeddu ku qaadeen maraakiib shidaal oo marayay gacanka cadmeed

 


Tehran: Markab dagaal oo Iran leedahay ayaa Sabtidii iska caabiyay weerar ay burcad -badeed ku qaadday laba markab oo kuwa shidaalka ah oo uu ku galbinayay gacanka Cadmeed, sida uu sheegay taliyaha ciidamada badda ee dalkaas.

"Ciidamada kumaandooska badda ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan saaka weerar ay burcad -badeeddu ku qaadeen kolonyo ganacsi oo Iiraan leedahay oo marayay gacanka Cadmeed," ayuu yiri taliyaha ciidamada badda Admiral Shahram Irani, oo Sabtidii ay soo xigatay wakaaladda wararka ee IRNA.

“Markabka lborz wuxuu waday laba markab oo kuwa shidaalka ah markii ay weerareen shan saxiimadood oo burcad -badeed ah,” ayuu yiri, isagoo xusay in rasaasta badan ay rideen, taasoo ku qasabtay kuwii weerarka geystay inay ka baxaan aagga”.

Hadalkaas ka Soo yeeray Taliyaha ciidanka badda iiraan ayaa wali wax tafaasiil ah oo aritaas dheer Laga hayn 

Developed by Jago Desain