Fadlan ka qayb qaado Dhismaha Isbitaalka Baargaal



Fadlan ka qayb qaado Dhismaha Isbitaalka Baargaal


Dhammaan dadweynaha Soomaliyeed Gaar ahaan reer Puntland waxaa lagu wargalinayaa in la bilaabay dhismaha Isbitaalka Magaalada Baargaal, kaas oo ay Bulshada deegaanku baahi wayn u Qabto

Waxaa lasameeyay gudiga Dhismaha Hopsitka Baargaal oo ah gudi madaxbanaan ayna ka mid yihiin Isimo, Culumo, Aqoonyahano, Ganacsato xushmad ku dhexleh Bulshada iyo Xubno ka socda Maamulka Dowladda.

Guddigu shaqadiisu waa dhismaha Isbitaalka guud ee Baargaal, waxuuna Guddigu aruurinayaa dhaqaalaha iyo tubaracaadka dad waynaha khayrka jecel dal iyo dibad.

Gudigu wuxuu ku baraarujinayaa dad waynaha reer Puntland iyo kan Soomaaliyeed in howshaas ay kawada qayb qaataan Maal, Muruq iyo Maskaxba si loo helo Isbitaal daboola dhammaan baahiyaha Caafimaad ee deegaanku ka jira.

Hadaba Dhamaanteen aanu ka qaybqaadano dhismaha Isbitaalka Baargaal.

Wixii ka qayb qaadasho ah la xiriir :-

SHEKH XUSEEN CUMAR SICIID:- 25290-7710247

A/C SAHAL:- 480033

Mahadsanidin