Guriga taliyaha booliska gobolka Nugaal ee Garoowe oo la weeraray

 


Rag hubaysan ayaa saqdii dhexe ee xalay werar ku qaaday guriga uu Xaafada 1-da Agoosto ee Magaalada Garoowe ka degan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Is rasaaseyn kooban ayaa dhexmartay Kooxaha weerarka geystay iyo ilaalada Taliyaha , iyada oo Kooxihii weerarka ku qaaday Guriga ay dib u laabteen

Goob joogayaal ku sugan Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo muddo kooban socotay uu jiro khasaaro ka dhashay, waxaana weli la ogeyn waxa ay ahaayeen dableyda taliyaha weerartay.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ayaan weli ka hadlin, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha uu shalau shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen ninkii diley AUN Marxuum Bootaan Maxamed Bootaan

Developed by Jago Desain