Muxuu MD Farmaajo ka yiri go’aankii maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ?

Madaweynaha Somaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ICJ, ee ku saabsanaa muran

 


Madaweynaha Somaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ICJ, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.


Waxaa uu intaa ku daray in tani lagu gaaray halgan dheer oo caddaaladeed, oo ku asteysnaa wadaniyad iyo midnimo.


Waxaa uu tilmaamey in guul la gaaray, taasna ay leeyihiin milkiyaddeeda shacabka Soomaaliyeed.
MD Farmaajo ayaa u mahad celiyey maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ee ICJ dhamaan howl wadeenadeeda, gaar ahaan qareenada iyo garsoorayaasha sida ay fuliyeen dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.


Waxaa uu bogaadin u jeediyey baarlamaankii 8-aad, kaasoo saldhig u ahaa guusha maanta la gaaray, isagoo meel mariyay, qaraarkii la magac baxey “’Dhaxal Dhawr”, oo hor istaagey heshiis horudhac ahaa oo la saxiixay.


Madaxweyne Farmaajo si weyn ammaan u huwiyey qareenadii iyo khubaradii Soomaaliyeed, oo ay ugu horreeyaan Avv Muna Sharmaan iyo Eng Maxamad Cumar Saalixi, oo dhawaan geeriyoodey.
Wuxuu carabka ku adkeeyey Farmaajo in shaqsiyaadkan aan kor kusoo xusnay, iyo kuwa kalaba ay ka galeen baal dahab ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed.


Khudbadda oo dheereed, ayuu Madaxweyne Farmaajo sidoo ku nuux nuux sadey in intii uu xukunka la wareegay uu lasoo darsey caqabado fara badan, oo isugu jira amni, dhaqaale, qalqal siyaasadeed iyo kuwa kalaba.

Developed by Jago Desain