Wasaaradda Waxbarashada oo ‘naqdisay’ warbixintii Heritage ee looga hadlay waxbarashada dalka!

Wasaaradda Waxbarashada oo ‘naqdisay’ warbixintii Heritage ee looga hadlay waxbarashada dalka!

 


Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa “kalsooni darro xooggan” ka muujisay warbixin ku saabsan waxbarashada dalka oo Machadka daraasaadka ee Heritage uu soo saaray 18-kii Augost 2021.

Warbixinta Heritage oo ciwaankeedu ahaa “Waxbarashada aan u baahannahay ” ayaa looga hadlay cabqadaha haysta waxbarashada si gaar ah dhinacyada manhajka, waxbarista, qiimaynta iyo maamulka iyada oo DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka (FMS) kula talisay in ay xoogga saaraan nuxurka manhajka, kobcinta macallimiinta, qiimeynta iyo maamulka waxbarashada dalka.

Cilmi -baaristu waxa ay ku boorisay wasaarada waxbarashada in ay mudnaanta siiso sameynta guddi qaran oo quburo ah qiimeyn ku sameeyo waxbarada iyo shahooyinka ay bixiyaan goobaha waxbarada dalka.

Balse wasaarada waxbarashadu waxa ay sheegtay in ay kalsooni darro ka muujinayso waxbixintaas, isla markaana ay qaladaad badan ay ku jireen ilaha warbixinta inkastoo ay qirtay “in ay soo dhaweynayso dhammaan cidkasta oo daneysa in ay xog-baaris ka sameyso hannaanka waxbarashada dalka”.

Wasaaradda warbarashada ayaa sheegtay in ay warbixinta ku jireen khaladaad ay ka mid yihiin:-

  1. Qaabka warbixintaas loo soo diyaariyey;
  2. Xogta loo adeegsadey diyaarinta Warbixinta, dariiqooyinka loo maray iyo
  3. Sida loo soo bandhigay intaba.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in aysan jirin cid ama hay’ad ugu timid ama soo weydiisatay xogta rasmiga ah ee waxbarashada dalka  kuna saabsan dhinacyada:

  1. Manhajka waxbarashada dalka
  2. Tababarada & Horumarinta Macalinka
  3. Imtixaanaaadka iyo Qiimeynta
  4. Sharciyada iyo Xeerarka Tacliinta dalka
  5. Miisaaniyadda iyo maalgelinta Waxbarashada
  6. Xog uruurinta (EMIS)
  7. Agabka waxbarashada iyo qorshayaasha hormarineed ee waxbarashada iyo
  8. Iskaashiga dowlad-goboleedyada iyo daadejinta adeegayda warbixinta.

Wasaaradd Waxbarashada Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa dhammaan cidkasta oo daneysa in ay xog-baaris ka sameyso hannaanka waxbarashada dalka, waxa ayna ugu baaqeysaa naadiyada qalinleeyda iyo cilmibaarista in ay si madax-banaan warbixino uga sameeyaan waxbarashada Soomaaliya. Wasaaraddu waxay balanqaadeysaa in ay siineyso gacan kasta oo ay uga baahdaan, waxa ayna la soo xiriir karaan Wasaaradda waxbarashada, gaar ahaan xafiisyada qaabilsan howlahaas.” Ayaa lagu soo xiray qoraalka wasaaradda.




Developed by Jago Desain