Wax ka baro baasaboorada ugu awoodda badan aduunka .. Soomaaliya xagee kaga jirtaa

Wax ka baro baasaboorada ugu awoodda badan sanadka 2021 .. Ka warran waddankaaga?

 


Dad badan ayaa sanad walba sugaTusaha Baasaboorada Henley, kaas oo ku salaysan heerarka Ururka Gaadiidka Caalamiga ah, si ay u arkaan qiimeynta dalalka iyo baasaboorada ugu awoodda badan oo u saamaxaysa qofka haysta inuu ku safro fiiso la'aan ama qaati fiisaha marka uu yimaado.

Warbixintii ugu dambeysay ee tusaha "Henley" ee baasaboorada ugu habboon safarka sannadka 2021, oo ah liis ka kooban 110 waddan oo adduunka ah.

Japan ayaa kaalinta koowaad ka gashay qiimeynta adduunka maadaama ay muwaadiniinteedu heli karaan 192 goobood oo adduunka ah, ha ahaato fiiso la'aan ama qaadashada fiisaha markay yimaadaan.

Singapore ayaa lawadaagtay kaalinta koowaad, oo la siman Japan, oo muwaadiniinteedu  heli karaan 192 goobood oo adduunka 

Kuuriyada Koonfureed ayaa kaalinta labaad la gashay Jarmalka, halkaas oo muwaadiniinta labada dal ay heli karaan 190 goobood fiiso la'aan ama adeegsiga fiisaha marka ay yimaadaan.

Tobanka ugu sarreeya, baasaboorada ugu fiican sannadka 2021,  Japan, Singapore, Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka, Talyaaniga, Finland, Spain iyo Luxembourg (189 goobood), Denmark iyo Austria (188 goobood) .

Sweden, France, Portugal, Netherlands iyo Ireland ayaa kaalinta lixaad ku jira 187 goobood, Switzerland, Belgium, Norway, Belgium iyo New Zealand (186 goobood), Greece, Malta, Czech Republic, Australia (185 goobood), Canada iyo Maraykanka (185 goobood), iyo Hungary (183 goobood).

Dhanka dalalka Carabta, UAE waxay kaalinta koowaad ka gashay Heerka Baasaboorka Henley, waxayna ku jirtaa kaalinta 16aad xagga kala -soocidda, iyadoo marin loo heli karo 174 goobood bilaa fiise ama fiise marka la yimaado.

Baasaboorada Carabta ugu xoogga badan

1- UAE 174 goobood

2- Qadar 97 meelaha loo aado

3- Kuwait 95 goobood

4- Baxrayn 84 goobood

5- Cumaan 80 goobood

6 - Sacuudi Carabiya 79 goobood

7- Tunisia 71 goobood

8- Morocco 63 goobood

9- Mauritania 59 goobood

10- Aljeeriya iyo Urdun 52 goobood

11- Masar 51 meelood

12- Lubnaan iyo Suudaan 41 meelood

13- Liibiya 40 goobood

14- Falastiin 37 meelood

15- Yemen iyo Soomaaliya 34 goobood


Christian H. Kaelin, Madaxweynaha Henley & Partners, ayaa yiri: “Sannad uun ka hor, dhammaan tilmaamayaashu waxay ahaayeen in heerka dhaqdhaqaaqa caalamiga ahi uu sii socon doono, xorriyadda safarka ayaa kor u kici doonta, iyo in dadka haysta baasaboorada xooggan ay ku raaxaysan doonaan helitaanka meelaha kale sidii hore oo kale. .

Qeybta hoose ee qiimeynta:

103- Kuuriyada Waqooyi 39 goobood

104- Liibiya iyo Nepal 40 goobood

105- Falastiin 37 goobood

106- Soomaaliya iyo Yemen 33 goobood

107- Pakistan 32 goobood

108- Suuriya 29 goobood

109- Ciraaq 28 goobood

110- Afgaanistaan ​​26 goobood

Developed by Jago Desain