AL-SHABAAB OO SHEEGTAY IN AY QARAX MIINO KU DILEEN 10 ASKARI OO KA TIRSAN CIIDANKA KENYA

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 10 askari oo Ciidanka Kenya ah ku dishay gudaha Gobolka Laamu kadib markii ay qarax miino la beegsatay kolonyo ciidan.

 


Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 10 askari oo Ciidanka Kenya ah ku dishay gudaha Gobolka Laamu kadib markii ay qarax miino la beegsatay kolonyo ciidan.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in kolonyadaas lagu beegsaday xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kinyonga iyo Mirani oo ka tirsan Gobolka Laamu.

Dowladda Kenya weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas.

Developed by Jago Desain