Guddiga Hawlaha Guud ee baarlamaanka PL oo akhriska 2aad ku sameynaya wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershahadaha

Guddiga Hawlaha Guud ee baarlamaanka Puntland oo akhriska labaad ku sameynaya wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha



Guddiga Hawlaha Guud ee baarlamaanka Puntland oo akhriska labaad ku sameynaya wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Puntland oo akhriska labaad ku sameynaya wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha Dawladda Puntland, ayaa maanta kulan la tashi ah la yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

Guddiga ayaa ka duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. 

Guddiga iyo mas’uuliyiintan kala duwan ayaa falanqeeyey ujeeddooyinka wax-ka-bedelka Xeerka, iyadoo mas’uuliyiintu ay Guddiga la wadaageen aragtidooda ku aaddan wax-ka-bedelka xeerka, waxayna u mahadceliyeen Guddiga sida wanaagsan ay la tashiga ugu yeereen Hay’addaha uu xeerku khuseeyo.

Developed by Jago Desain