In ka badan 11 qof oo ku dhimatay dhul go’ saameeyay Colombia

Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen gobolka galbeed ee Narino ee dalka Colombia oo laga soo tabiyay dhul go’ . Waaxda maareynta musi

 


Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen gobolka galbeed ee Narino ee dalka Colombia oo laga soo tabiyay dhul go’ .

Waaxda maareynta musiibooyinka ee wadankaasi (UNGRD) ayaa sheegtay in dhul go’a uu ka dhashay roobab culus oo ka da’ay magaalada Mallama.

In ka badan 10 qof oo kale ayaa la rumeysan yahay inay dhaawacmeen halka 15 ilaa 20 kalena la la’yahay.

Sidoo kale labo dhismo ayaa burburay.

Agaasimaha waaxda UNGRD, Eduardo Jose Gonzalez ayaa amray in howlo samatabixin ah la guda galo .

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii in ka badan 200 oo qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Mocoa ee dalka Colombia

Developed by Jago Desain