Mareykanka oo soo farageliyay xiisadda u dhaxeysa Deni & Ciidamada PSF

Mareykanka oo soo farageliyay xiisadda u dhaxeysa Deni & Ciidamada PS

 

Waxaa weli Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka taagan xiisadda u dhaxeeysa Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland iyo Xukuumadda Puntland, taas oo ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweyne Deni uu ku sameeyay Agaasimaha Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Ciidamada PSF & Saraakiishooda ayaa soo baneeyay todobaadkii hore furumaha dagaalka ee duleedka Boosaaso, waxaana ay sicad u sheegeen in aysan ka amar qaadan Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xiisadda labada dhinac uu soo farageliyau Mareykanka maadaama uu tababaray, sidoo kalena uu mushaar siiyo, waxaana la filayaa in saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ay todobaadkan yimaadeen Caasimadda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Saraakiisha ayaa waxaa ay marka hore kulan la qaadan doonaan Madaxweyne Deni oo ku sugan Garoowe, waxaana ay u sii gudbi doonaan Magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan Saraakiisha Ciidamada PSF ugalana hadlaan in xaaladda la qaboojiyo si uusan dagaal uga dhicin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu todobaadkaan tagayo Magaalada Boosaaso si uu uga qeyb qaato dejinta xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii uu ku sameeyay Agaasimaha Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

p: 0px; overflow-wrap: break-word;">In kastoo xaaladda Magaalada Boosaaso ay degan tahay ayaa hadana waxaa ku wada sugan Ciidamada PSF,ta Puntland iyo kuwa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo dadka qaar ay sheegayaan inay cabsi soo wajahday.

Developed by Jago Desain