Sawiro: Sirdoonka Soomaaliya oo qabtay diyaarado Drone ah oo la ....

Sawiro: Sirdoonka Somalia oo qabtay diyaarado Drone ah oo la ....

 


Hay’adda Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka soomaaliya ee (NISA) ayaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku qabatay Diyaarado Drone ah, oo lix xabo ah, kuwaas oo looga shakiyey sababo xagga Amniga ah oo ah in loo waday meel ka baxsan Soomaaliya.

2 ajaaniib ah oo duulimaadka la socday ayaa la xiray, inkasta oo safaarada dalkooda ee Muqdisho lagu wareejiyey.

Drone-ka la qabtay ayaa ka waa weyn kuwa sawirada & muuqaalada duuba, shixnado horey uga gudbay Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay qeyb kanoqdeen howlgalo ka dhacay meelo ka baxsan xaduudaha Soomaaliya, saameyeyna dalalka jarka ah.


Masuul katirsan golaha shacabka Soomaaliya, oo sheegay in uu isagu leeyahay Diyaaradahan 6da xabo ah ayaa sheegay in Beero uu ku waraabsan lahaa.





Developed by Jago Desain