Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Degmada Baargaal oo kormeer shaqo ku tagey Tuulioyinka iyo kastamyada canshuuraha Dagmada

kormeer shaqo ku tagey Tuulioyinka iyo kastamyada canshuuraha ee Dagmada Baargaal

Wafdi ka socdaa Maamulka Degmada Baargaal oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Degmada Baargaal mudane Cabdiraxmaan Caynab Muuse ayaa ayaa kormeer shaqo ku tagey Tuulioyinka iyo kastamyada canshuuraha ee Dagmada Baargaal iyo shaqooyinka kasocda Beeraha Deegaanka waxana kamid ah melaha Wafdigu Booqday tuulooyinka fagoolo , sadex geedloho ,Cabayaro,Abdeexaan ,Ruunyo, Qorololoha, xeela,coomaayo, waadikheyr, salaaximo, gondoli iyo marsada degmada ee Bina. 

Sidoo kale wafdigan ayaa soo kormeerey wadooyinka kudeedsan dagmada sida wadada coomaayo oo isku xirta hursale iyo Degmada Baargaal iyo meelo kale oo badan.

kormeerkaas oo ku saabsanaa u kuurgalida shaqooyinka Dakhliga iyo cashuuraha ee Dagmada iyo xaqiijinta amniga guud ee dagmada Baargaal


Ugudanbeyntii Wafdigu Maamulaka Deg Baargaal ayaa shir ku qabtay Xarunta Dawlada hoose ee dagmada Baargaal si ay Bulshadda ugu warbixiyaan kormeerkoodii ay ku tageen tuulooyinka iyo kastamyada cashuuraha ee Dagmada Baargaal
 









Developed by Jago Desain