Akhriso Sheeko Caruureed Qoraal Ah

Waxa la yiri beri baa waxa wada deganaa hal geel ah iyo qalanjo maroodi ah.

 


SHEEKOY......................SHEEKOY...................SHEEKO XARIIRAY:

Waxa la yiri beri baa waxa wada deganaa hal geel ah iyo qalanjo maroodi ah.

Berigii dambe ayay labadoodiiba dhaleen.

Ubadkii baa koray, ka dibna iyagoo maalin wada ciyaaraya ayay nirigtii si xun u haraatiday maroodigii yaraa hooyooyinkii oo daaq ku maqan. Carraabihii

markay hashii aragtay nirigteedii waxay samaysay ayay cagaha wax ka dayday meeshiina kala carartay nirigteedii yarayd intaanay qalanjadu meesha kusoo

gaadin. Waayo hashu aad bay uga baqaysay qalanjada maroodi oo ka xoog badan.

Hashii oo firdhad ah ayaa la kulantay oday meel geel la jooga, waxaanay ku

tiri:

odeyoow ma i maashaa
ma i maraqdaa
maroodi cadho leh,
mayga celin kari.


Odeygii oo aad u faraxsan ayaa ugu jawaabay hashii "waayahaye soo raac geel-ayga".

Kolkii qalanjadii soo carrowday galabtii waxa markiiba isha qac ku siisay ilmaheedii oo si xun loo dilay. Intay aad u cadhootay bay raad raacday hashii si ay uga aar goosato. Dabagaale meel jooga ayay kusoo baxday qalanjadii oo ay weydiisay

 "waar dabagaale hal iyo nirigteed halkan ma mareen?"

"Haayoo dooxadaasay ku degeen" ayuu ku jawaabay dabagaalihii.

Qalanjadii mabay hubsane waxay markiiba isku sii deysay dooxadii.

Dabagaalihii intuu ka daba tagey qalanjadii ayuu ku yidhi "waar maroodi xoog weynow waan kugu ciyaarayaaye hashii xaggan kale ayay jirtaa. Maroo-digii intuu kusoo noqday dabngaalihii oo qaarkiisa dambe ku taagan ayuudamcay inuu gebigiisaba cagta hoos geliyo intuu cadhooday.

Dabagaalihii maroodigii buu ka cararay oo intuu daba warwareegay ayuu ku yiri:

maroodi candhoole,
haddii col la sheego,
caruurta ciyaarshe,
cadaadda ku meere,
hashii cosob waa tan.

Maroodigiina intuu orodkii ka daalay ayuu meel istaagay oo uu quustay.

Developed by Jago Desain