Deg-deg: Jabkii ugu xumaa oo ku dhacay maleeshiyada Tigreega

Deg-deg: Jabkii ugu xumaa oo ku dhacay maleeshiyada Tigreega

 


Milatariga Itoobiya ayaa ku riday jabkii ugu xumaa maleeshiyada Tigreega gaar ahaan sadexda aag ee gobolka Axmaarada. Tigreega ayaa hadda laga eryaday ugu yaraan 8 magaalo oo hore ay u bililiqaysteen.

”Tan ugu sii daran ayaa ah inay difaac ka dhigteen alaabtii ay ka bililiqaysteen magaalooyinkaas sideeda ah sida Lalibela iyo Woldiya. Dhinaca wadada B2 ee toos u aada Maqale ayaa maleeshiyada laga eryaday Shewa robit, Molale iyo dhamaan magaaloyinka ku wareegsan ayuu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka.

Mudadii gaabnayd ee raiisal wasaare Cabi Axmed u dhaqaaqay kooxdan reer galbeedku dabada ka wataan ayaa milatarigu ku dhiftey dhirbaaxadii ugu xumayd ayagoo ka eryaday ugu yaraan 6 magaalo.

Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa ciidanka u sheegay inay ogyihiin inay guushu raacayso. Waxa kale oo shalay u sheegay hooyooyinka Tigreega inay la baxaan dhalintooda inteyna helin meydkooda.

Magaalooyinka laga eryaday shalay ilaa maanta ayaa kala ah Lalibella, Woldiya, ShewaRobit, Geshana, Molale, Jama Dogolo, Akasta, Wolle Illu, Mezezo.

Guulahan is daba jooga ah ayaa waxa aad uga naxaya reer galbeedka oo muddo afar bilooda faafinaayay in Tigree 5 milyana qabsan karo Itoobiyada kale oo 100 milyana.

Developed by Jago Desain