Intaan Horumar laga Hadalin waa in Xaalufka Ba'an ee lagu hayo Badda wax Laga qabtaa

Intaan Horumar laga Hadalin waa in Laga Hadlaa Xaalufka Ba'an ee lagu hayo Badda

 


Xeebaha Puntland waxaa ka socda Xaaluf Ba'an oo lagu suulinayo kheyraadka Badda Puntland , kaasoo ay wadaan doonyo Shisheeye oo aanu jirin cid kala xisaabtameysa dhibaatada ay wadaan ayagoo isticmaalaaya Qaabab kaluumaysi oo sharci daro ah aduunkana mamnuuc ka ah.


Doonyaha Shisheeye ee gurta kheyraadka badda puntland ayaa wata Documents looga jaray wasaarada kaluumaysiga puntland oo loogu ogolaaday in ay xalufiyaan kheyraadka badda Puntland.

Magaalooyin xeebeedyada puntland waxaa ku nool dad fac ka fac nolashooda ay ku tiirsaneed kheyraadka badda, waxaana hadda dadkaasi ay dareemayaan nolal xumo iyo dhibaato lagala kulmay kheyraadka Badda puntland ay caanka ku aheyd oo qaarkood ay dabar go’eyn kuwa kalana ay isaga gurtaan la xisaabtan la’aan maraakiib shisheeye oo dhibaato u gaysta kallumaysatada deeganka oo ka burburiya qalabkooda shabaagahooda iyo gaadiidkooda una awood sheegta.


Madaxwaynihii hore ee  Puntland professor C/wali Maxamed Cali gaas ayaa ku tilmaamay xaalufka iyo jariifka lagu hayo xeebaha puntland musiibo qaran kadib markii uu madaxwaynuhu waqtigaas uu indhihiisa ku soo arkay dhibaatada maraakiibtaasi ku hayaan xeebaha iyo kaluumaysatada puntland.

Xaalufka iyo dhibaatda ka socota XEEBAHA PUNTLAND waa arin naxdin badan oo aan loo adkaysan karin sida ay doonyahaasi shisheeye ugu tagrifalayaan khayraadka badda puntland oo hadaan laga soo gaarin oo dawlada Madaxwayne siciid c/Laahi denni wax ka qaban saamayn wayn ku yeelan doonta puntland waqti dheer.


Marka yaa MUHIIMSAN shir Lagu hormarinayo Dakhliga cashuuraha iyo in wax Laga Qabto oo Laga hortago musiibadaas qaran oo dad iyo duunyo saamaysay



 

Developed by Jago Desain