Madaxweynaha Ruushka oo warqadaha ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Ruushka oo warqadaha ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya



Madaxweynaha Ruusha, Vladimir V. Putin ayaa maanta warqadaha Aqoosiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi,  Xasan Cabdi Daauud.

Xaflad kooban oo ka dhacday gudaha Madaxtooyadda dalka Ruushka ayaa waxaa madaxweyne Putin uu Warqadaha Aqoonsi kaga guddoomay ilaa 21 safiir oo uu ku jiro danjire Xasan Cabdi oo Soomaaliya matelayay.

Safiirka dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday wadanka Ruushka ayaa sheegay in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada

Developed by Jago Desain