MAXAA KA SOO BAXAY SHIRKII ISIMADA IYO DOWLADDA UGA SOCDAY BOOSAASO?



Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo Isimada oo dhex-dhexaadinaya dowladda iyo hay’adda PSF ayaa maanta shirar kala duwan Boosaaso kula qaatay mas’uuliyiinta dowladda.

Odayaasha dhaqanka iyo Isimada ayaa markii dambe shir guud la qaatay mas’uuliyiinta dowladda oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ay weheliyaan maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Isimada ayaa dowladda ka codsaday in la xoojiyo nabadda islamarkaana lala qaato dhex-dhexaadinta ay bilaabeen si loo xalliyo muranka taagan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa dhankooda soo dhoweeyay dadaalka odayaasha dhaqanka iyo Isimada ee ku aaddan xallinta is-marin-waaga ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha PSF.

Sidoo kale waxa la filayaa in Isimadu la kulmaan dhinaca hay’adda PSF oo kala hadlaan dhex-dhexaadinta ay wadaan kadibna soo saaraan go’aano lagu xallinayo arrintaas.

Developed by Jago Desain