Nin loo xiray ayax duban oo uu diyaarad ku dhex iibiyay

Nin loo xiray ayax duban oo uu diyaarad ku dhex iibiyay

 


Nin lagu eedeeyay inuu ka iibinayay Ayax duban rakaab saarnaa diyaaradda Uganda Airlines ayay boolisku dacwad ku soo oogeen isaga iyo nin kale oo lagu eedeeyay isana inuu duubay dhacdadaas.

Muuqaallo laga duubay ninkaan iibinayay ayaxa ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada tan iyo markii uu falkaasi dhacay dhamaadkii todobaadkan. Waxaana la arkayay dadka oo baco loogu shubayo isla markaana lacago bixinaya.

Mubiru Paul iyo Hajib Kiggundu ayaa la xiray Isniintii waxaana lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ka mid yihiin diidmada inay raacaan shuruucda raacintaannka diyaaradaha iyo dayacnaan keeni kartay faafitaanka cudurka Covid-19

Developed by Jago Desain