Puntland ma waxay ka doorbiday xoogaa cashuur ah xaalufka ka socda Degmada Baargaal

Puntland ma waxay ka doorbiday xoogaa cashuur ah xaalufka ka socda Degmada Baargaal

 



Sanadihii ugu danbayeeyay waxaa ka jiray deegaanada Gobolka gardafuu  gaar ahaan deegaanada iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada Baargaal xaaluf aad u xun kaasoo loo gaysanaayay deegaanka iyo Dhirta, iyadoo la gubay lana  xaalufiyay gabi ahaanba dhirtaasi.

wasaarada Deegaanka Beeraha & Isbadalada cimiladda puntland oo u qaablisan xukuumada puntland arinkaas ayaan wax barnaamaj wacyigelin ah  ama  hawlgal lagula dagaalamayo nabaad guurinta dhirta & gubista dhuxusha ka wadin degmada Baargaal , dawladuna waxay u muuqataa inay kaliya ilaashanayso sunuuda yar ee cashuurta ah ee ka soo gasha xaalufkaasi musiibada qaran ah , deegaanka iyo duunyadana burburinaya. 

waxgaradka iyo cuqaasha iyo ururada bulshada deegaanka oo u adkaysan waayay dhibaatada balaaran ee loo gaysanaayo Deegaanka iyo xaalufka iyo nabaad guurka ka socda , ayaa qaylo dhaan ka soo saaray arinkaas kuna tilmaamay misiibo u baahan in si degdeg ah wax uga qabtaan madaxda dalku, oo ugu horeeyo madaxwayne siciid c/laahi deni

madaxda puntland ayaa marar badan ballan qaaday inay adeegyada iyo shaqada dawlada gaarsinyaan deeganada laamiga ka baxsan ,  laakin arinkaas ayaa u muuqda inuusan soo dhaafin  kalumada looga hadlo, iyo shirarka jaraaid ay madaxd qabtaan 



















Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain