Tahriibayaal ku geeriyooday xeebaha dalka Giriiga.

Tahriibayaal ku geeriyooday xeebaha dalka Giriiga.

 


Inta la xaqiijiyay 16 ruux ayaa ku naf waayay kadib markii ay

degtay doon ay la socedeen xeebaha dalka Giriiga.

Saraakiisha ciidamada badda Giriiga ayaa sheegay in doon ay la socdeen

dad tahriibayaal ah ku degtay waqooyi galbeed jasiirada Paaroos la

yiraahdo.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu heleen meydadk 16 ruux oo 12 ka

mid ah ay rag yihiin willina uu socdo hawlgal lagu baadigoobayo meydad

kale.

Warbaahinta Giriiga ayaa sheegay in qaar ilmoyar uu ku jiray dadka

meydadkooda badda laga helay.


Waa shilkii 3,aad oo muddo todobaad ah ka dhaca biyaha u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Giriiga oo ay si joogto ah u maraan tahriibayaasha doonaya inay Yurubta kale usii gudbaan.

Shalayna ciidamada badda Giriiga ayaa sheegay inay heleen meydadka 11

ruux oo tahriibayaal ahaa oo iyana ay doon kula degtay xeebaha dalkaas 90

qofna waa lasoo badbaadshay

Developed by Jago Desain