BOOLIISKA QARDHO OO XABSIGA DHIGAY ASKAR ISKU DAYAY INAY XOOG KULA BAXAAN HUB KU XERAYSAN XERADA XORGOBLE

Booliiska magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar, ayaa xalay xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, sida ay xaqiij

 


Booliiska magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar, ayaa xalay xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan.

Askar ka tirsan Daraawiishta, ayaa xalay  isku-dayay in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, balse Booliiska ayaa fashiliyay tallaabadaas.

Is-rasaasayn xooggan oo dhexmartay labada dhinac, lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Qardho.

20 askari oo isku-daygaas ku eedaysan ayaa 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Saraakiishu sheegtay.

Developed by Jago Desain