Ka dib 17 sano oo xabsi ah, muwaadin Soomaaliyeed oo laga sii daynayo xabsiga Guantanamo Bay

Dowladda Mareykanka ayaa ogolaatay in lasii daayo maxaabiis Soomaali ah oo muddo 17 sano ah ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay, iyadoo aan wax dambi ah

 


Dowladda Mareykanka ayaa ogolaatay in lasii daayo maxbuus Soomaali ah oo muddo 17 sano ah ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay, iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin.

Guuleed Xasan Dooraan ayaa warka sii dayntiisa helay iyadoo lagu guda jiro sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay xabsiga Guantanamo Bay. Kaas oo loo aas aasay in lagu xidho argagixisada looga shakiyo adduunka oo dhan, waxaana Doran la xidhay 2004, iyada oo maamulka Maraykanku aanu waligiis dacwad ku soo oogin intii uu xidhnaa.

Wargeyska New York Times ayaa xusay in Doran uusan hadda ku laaban karin Soomaaliya; Iyadoo ay sabab u tahay cunaqabateynta Mareykanka ee diidaya in maxaabiista laga soo daayay xabsiga Guantanamo Bay la geeyo Libya, Syria, Yemen iyo Somalia.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka, John F. Kirby, ayaa sheegay in maamulka Mareykanka ay ka go'an tahay in la xiro xarunta lagu hayo maxaabiista, isla markaana aysan waxba iska bedelin go'aankaas

Qareenka Doran, Shayana Cadial, ayaa sheegay in lagu wargeliyay heshiiska lagu sii daynayo maxbuuska 10-ka November. Waxa kale uu ka shaqayn doonaa in loo wareejiyo meel ku habboon oo ka baxsan Maraykanka si loo hubiyo in uu helo daaweyn bini'aadantinimo oo wanaagsan.

Sida uu sheegay Mr. Cadila, Doran waxa uu ku qaatay sannadihii dhawr iyo tobankii sano ee uu joogay Sweden qaxoontinimo, waxa kale oo uu qaraabo ku leeyahay canada. Taasoo siinaysaa "doorashooyinka wanaagsan" ee wadamada dib u dejinta ee suurtagalka ah. Qareenku wuxuu Doran ku tilmaamay mid caqli badan oo wax-tar leh, khibradna u leh inuu ku noolaado dalal kala duwan.

Waxaa xusid mudan in madaxda Mareykanka ay si dhow ula socdaan Soomaaliya arrimaha argagixisada iyo kooxaha hubeysan. Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa maamula dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

Developed by Jago Desain