MADAXWEYNE DENI IYO BOQOR BURHAAN OO KU BALLAMAY IN SI HOOSE LOO XALLIYO ARRINTA PSF

MADAXWEYNE DENI IYO BOQOR BURHAAN OO KU BALLAMAY IN SI HOOSE LOO XALLIYO ARRINTA PSF

 


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadka dambe Boosaaso u safro, si loo xalliyo Arrinta PSF.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa doonaya in uu Boosaaso kula kulmo qaar kamid ah Isimada dhaqanka Gobolka Bari, oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Khadka Taleefonka ku wada-hadlay ayaa ku ballamay in Boosaaso lagu kulmo, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dhinacyo kala duwa

Madaxweynaha iyo Boqorku waa wada-hadleen waxaana lagu ballamay in Boosaaso lagu kulmo islamarkaana si hoose loo xalliyo Arrintaas” ayuu yiri qof ka war-haya labada dhina

Isimada uu hoggaaminayo Boqor Burhaan ayaa horay u soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay Hay’adda PSF.


Developed by Jago Desain