MADAXWEYNE DENI OO GUDDOOMIYE CUSUB U MAGACAABAY GOBOLKA BARI

MADAXWEYNE DENI OO GUDDOOMIYE CUSUB U MAGACAABAY GOBOLKA BARI

 


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyaha gobolka Bari u magacaabay Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon).

Cabdirisaaq Shaahdoon waa siyaasi hore xilal uga soo qabtay Puntland, isagoo wasiiro ka soo noqday wasaaradaha kalluumeysiga iyo ganacsiga, wuxuuna dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay ka maqnaa saaxadda siyaasadda PuntlanShaahdoon ayaa baddelaya Cabdisamed Abwaan oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso wareegtada Madaxweyne Deni

Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka DowladdaMarku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha GudahaMarkuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Puntland.d.

Developed by Jago Desain