MADAXWEYNE DENI OO MUQDISHO KULA KULMAY SAFIIRKA IMAARAADKA CARABTA

MADAXWEYNE DENI OO MUQDISHO KULA KULMAY SAFIIRKA IMAARAADKA CARABTA

 


Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.

 Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ku kulmeen magaalada Muqdisho balse lama faahfaahin waxay ka wada-hadleen

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Developed by Jago Desain