Barlamaanka Puntland oo laga cabsi qabo inay kalsoonida kala noqdaan xukuumadda madaxweyne Deni

Barlamaanka Puntland oo laga cabsi qabo inay kalsoonida kala noqdaan xukuumadda madaxweyne Deni


Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa laga cabsi qabaa inay kalsoonida kala noqdaan xukuumada Puntland, iyadoo loo sababaynayo khilaaf xooggan oo xilligan ka dhex taagan madaxtooyada iyo barlamaanka.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magacaabay guddi xildhibaanno ah oo soo ururiyo natiijada kasoo baxday la xisaabtanka golaha wasiiradda.

Guddigaan oo ka kooban 11 xubnood, ayaa laga sugayaa inay 30 ka bishan July soo saaraan, natiijo uu barlamaanku ku go'aan qaato

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa ku taliyay in barlamaanku la xisaabtamo madaxtooyada, iyagoo ku eedeeyay inay u hoggaansami weyday go’aan uu barlamaanka xasaanadda ugu diiday garsoorayaasha maxkamadda sare ee Puntland.

Xildhibaannadu waxay sheegeen, haddii madaxtooyadu aqoonsan weyday go’aanada barlamaanku uu gaaro, in barlamaankuna uu qaado tallaabo arrintaas looga jawaabayo.

Waxay xildhibaannada walaac ka muujiyeen garsoorayaashii xasaanadda loo diiday inay weli shaqeynayaan oo ay gaarayaan xukunno.

Dhinaca kae, xafiiska xuquuqul insaanka Puntland oo soo saaray war-saxaafaddeed ayaa madaxtooyada iyo barlamaanka ugu baaqay inaan la siyaasadayn arrimaha garsoorka.

Xafiisku wuxuu sheegay in garsoorayaasha maxkamadda sare aysan gali karin wax kiis ah. Wuxuu sheegay inay lamid yihiin garsoorayaal la casilay oo go'aannada ay gaaraan xaaraan yihiin
Developed by Jago Desain