Booliiska Soomaaliya oo War cudub kasoo saaray Gabdho sheegay in Dayniile laga afduubtay

Booliiska Soomaaliya oo War cudub kasoo saaray Gabdho sheegay in Dayniile laga afduubtay

 


Warbaahinra qaar ayaa labo maalin kahor baahiyay sheekada labo gabdhood oo ehelkooda sheegeen in laga afduubtay gurigooda oo kuyaalla xaafada Ciise Cabdi ee katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Labadan gabdhahood oo kala ahaa 13-sanno jir iyo 15-sanno jir ayaa sheegay in haweeney gaari wadatay ka afduubatay gurigooda, waxa ayna sheegeen in la geeyay guri dabaq ah aysan aqoon halkaasna lagu heestay habeen iyo maalin.

Gabdhahan ayaa markii dambe gurigooda kusoo laabtay iyaga oo shegay in ay kasoo baxsadeen gurigii lagu afduubtay oo kuyaalla xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley, waxaana gabdhahaasi markii soo laabteen la wareegay booliiska oo baaris ku sameeyay.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in wax afduub ah uu ka dhacay degmada Dayniile, waxa uuna xusay in gabdhahan iskood u baxeen kadib markii aabahood ka cabsadeena alifeen sheekada afduubka.

Aabaha dhalay gabdhahan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ogaadeen in sheekada gabdhaha ee ahaa in la afduubtay been aheyd, waxa uuna ka raali galiyay sida ay dhacdadan uga hadleen iyo dadkii usoo gurmaday uu raaligaliyay.

Dhacdadan afduubka ah ee been abuureen labadan gabdhood ee aadka u yar ayaa dhaliyay hadal heyn badan, waxaana sheekadan si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, iyadoona dadku badi aamineen sheekada beenta ah ee faafiyeen reerka gabdhahooda la waayay.

Post a Comment

Developed by Jago Desain