Fahad Yasin : “Yaan la sahlanin Shabaabka katallaabay Xadka”

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasiin Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey saameynta ay leedahay in maleeshiyaa

 


Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasiin Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey saameynta ay leedahay in maleeshiyaad katirsan kooxaha Argagixiso ay ka gudbaan xadka, wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay wax aan la dhayalsan karin.

QORAALKA FAHAD YASIN ayaa ciwaan looga dhigay YAAN LA SAHLANIN SHABAABKA KA TALLAABAY XADKA 

  1. In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. 
  2. Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika: 
  3. In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan. 
  4. In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan. 
  5. In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro 
Developed by Jago Desain