Madaxweyne Xasan Sheekh oo berri u socdaalaya dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo berri u socdaalaya dalka Masar

 


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib maalmo uu uga qeybgalayay magaalada Arusha ee dalka Tanzania Shirweynaha dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

Wararka ayaa sheegaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u socdaalayo berri oo axad ah dalka Masar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Cabdulfitah Al-Siisi.

Xasan Sheekh iyo Cabdulfitah Al-Siisi ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xariirka labada dal, iyo Iskaashiga dhanacyada Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dowladda Masar ayaa Wafti heer sare ah u soo dirtay caleema-saarkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo Xasan Sheekh soo gaarsiiyay casuumaad ay ka wadeen Madaxweyne Al-Siisi.

Waa socdaalkii 7-aad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga baxayo dalka tan iyo markii la doortay 15-May.

Developed by Jago Desain