Maxkamadda Garoowe oo u fadhida dhageysigii 4-aad ee kiiska Geed-quwaaxa

 


Maxkamadda darajada kowaad ee degmada Garoowe ayaa maanta u fariisatay markii afaraad dhageysiga gal-dacwadeedka kiiska ka ganacsiga iyo dhoofinta Geed-quwaaxa.

Dhageysiga kiiskan oo horey loo qorsheeyay inuu soo gabagaboobo 16 bishan July, ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland uu dalbaday in la bedelo garsoorihii gacanta ku hayay kiiskan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in la bedelay garsoorihii. Xubno kamid ah xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland oo loo heysto ku lug lahaanshaha kiiskan ayaan xaadirin Maxkamadda. Waxaana jira kiiska lagu koobi doono Liibaan Cali Food oo ahaa hagaha mashruuca dhoofinta Geed-quwaaxa, kaas oo ilaa ah qofka kali ah ee u xiran kiiskan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u sheegay inay dawladdu door weyn ka qaadanayso soo afjarida dhoofinta dhirta ‘Geed-quwaaxu kamid yahay’, balse warar hoose ayaa sheegaya in Siciid Deni uu amray in hoos loo dhigo kiiskan, maadama Xildhibaano uu dano badan ka leeyahay ay qeyb ka yihiin.

Dhowaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa iska diiday dalab ka yimid Maxkamadda oo ahaa inay yimaadaan Xildhibaano ku lug lahaa kiiska, isagoo sheegay inay leeyihiin xasaanad.

Developed by Jago Desain