Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah Gobolka Banaadir Fasalka 8aad Sanadka 2021 / 2022

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah Gobolka Banaadir Fasalka 8aad Sanadka 2021 / 2022



Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii saddexaad uu qaaday maamulka gobalka Banaadir.

Guud ahaan waxaa imtixaanka u fariistay 26,860 Ardey oo ka kala socotay 590 iskuul oo kamid ah dugsiyada gobolka.

Sida uu shaaciyay Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 24,443 Arday oo ka dhigan 91%, halka tirada hartay ay gaareen 2,417 oo ka dhigan 9%.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Caasimada Cumar Filish ayaa munaasabaddii lagu shaaciyey natiijada ka sheegay “Ardayda Waxbarashadda kujira waa in waaladiinta dabagal ku sameyaan sidoo kale caqabadaha kajira Waxbarashadda waxaa kamid telefoonada smartphone-ka oo ay kadawadan muuqaalo sida TikTok, YouTube iyo Facebook oo dhibaato kuhaya ardayda”

Hoos ka akhriso magacyada 10 ks Ardey ee u sareeyey Imtixaanka
1. Maxamed Cabdullaahi Cabdi Cismaan
2. Xasan Cabdi Sheekhdoon Cismaan
3. Maxamed Ciise Daahir Yuusuf
4. Faadumo Cusmaan Axmed Warsame
5. Cabdicasiis Maxamed Ibraahim Cali
5. Cumar Cabdiqaadir Ismaaciil Cabdi
6. Cabdiraxmaan Cali Yuusuf Geesey
7. Cabdullaahi Cali Axmed Sahal
7. Ruweyda Maxamuud Aadan Maxamed
7. Sundus Cusmaan Cabdi Xasan
8. Huda Saalax Sheekh Ibraahim
8. Maxamed Aweys Cabdulqaadir Aadam
9. Cabdullaahi Cabdirisaaq Maxamed Jaamac
10. Cabdicasiis Mahad Axmed Siyaad







Developed by Jago Desain