Premier Bank oo soo kordhiyay adeeg lacag diris caalami ah

Premier Bank ayaa maanta daahfuray adeegga cusub ee Wallet Send oo lagu soo kordhiyay app-ka Premier Wallet kaa soo u suurtagalinaya macaamiisha inay

 


Premier Bank ayaa maanta daahfuray adeegga cusub ee Wallet Send oo lagu soo kordhiyay app-ka Premier Wallet kaa soo u suurtagalinaya macaamiisha inay lacago u diraan loogana soo diro dibadda.Adeeggan ayaad si toos ah lacag ugu diri kartaa hababka casriga ah ee lacag bixinta sida Koontada Bangiyada (Bank accounts) Telefoonka gacanta (Mobile Wallets), iyo goobaha lacag bixinta (Cash) in ka badan 110 dal.

Wallet Send ayaa meesha ka saaraya culeyska lacag dirista, hab-raacyada maaliyadeed ee qadiimiga ah iyo waqtiga macaamiisha uga baxa in ay dibadda lacag u diraan, isaga oo ku soo koobaya tallaabooyin kooban oo la fahmi karo oo muddo yar qaadanaya.

Adeeggan cusub waxa uu sahlayaa in dadka lacagaha loo diray ay si toos ah ugu helaan xisaabaadka ay ku leeyihiin bangiyada iyo nidaamyada maareynta maaliyadda elektaroonigga ah ee ka jira dalalka ay ku sugan yihiin.

“La jaanqaadidda nidaamyada maaliyadda casriga ah ee dunidu u guureyso waxa ay muhiim u tahay bulshadeenna, haddii la macaamilka lacagaha gudaha aan horay elektaroonik uga dhignay, hadda waxaa la joogaa xilli ay macaamiisheenu dunida wax ugu diri karaan nidaam casri ah”. Ayuu yiri madaxa gaacsiga Premier Bank Cabdisharkuur Afrax.

“Bulshadeenna waa bulsho socdaasha oo xubnaha qoysasku dalal kala duwan ku kala noolyihiin oo ay qasab tahay inay wax isku diraan, sidaas darteed ayaan adeeggaan muhiimmad gaar ah u siinay” ayuu ku daray.

Macaamiisha lacagaha u diraya dalalka Kenya iyo Turkiye ayaa laga dhaafay khidmadda lacag dirista  marka ay adeegsanayaan Wallet Send, si ardayda iyo qoysaska ku nool loogu fududeeyo helista lacagaha ay ehelkoodu u dirayaan.

Premier Wallet oo ah application lacag dirid kii ugu horreeyay ee laga hirgeliyay dalka ayaa isku xiraya adeeg bangiyeed online ah, Mastercard, lacag diris fudud oo gudaha ah iyo lacag dirista caalamiga ah ee Wallet Send

Developed by Jago Desain