XOG: Madaxweyne Deni, Maxaa ku khasbay la kulanka Xildhibaanada barlamaanka puntland

XOG: Madaxweyne Deni, Maxaa ku khasbay la kulanka Xildhibaanada barlamaanka puntland

 


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo intooda badan si weyn uga soo horjeeday maalmihii u dambeeyay.

Kulamada oo bilowday xalay ayaa looga hadlayay xaalada guud ee Puntland, gaar ahaan Abaaraha iyo siyaasadda, iyo siddii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta dhow ee horey uga dhaxeysay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulamadii xalay si gaar gaar ah ula qaatay Xildhibaanada laga soo doortay goballada Sanaag iyo Haylaan & Xildhibaanada laga soo doortay gobalka Nugaal. Waxaana intii uu socday dhinacyadu ku yeesheen dood ku aadan khilaafka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada iyo celintii xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in kulamada Siciid Deni iyo Xildhibaanada uu la kulmay ay kusoo dhamaadeen is-faham.

Developed by Jago Desain