MADAXWEYNAHA OO AMRAY IN LA JOOJIYO IIBINTA BUUGAAGTA MANHAJKA WAXBARASHADA DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND

MADAXWEYNAHA OO AMRAY IN LA JOOJIYO IIBINTA BUUGAAGTA MANHAJKA WAXBARASHADA DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND



Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda. 


Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Cabasho xooggan ayaa ka timid qiimaha lacageed ee la saaray ardayda iibsanaya buugaagta Manhajka cusub ee dugsiyada sare Puntland qiimahaas oo kor u dhaafay 50$ ardaygii

Cabashooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli ay abaar daran ka jirto Puntland taas oo sababtay in ay waxbarashada ka haraan in ka badan lix kun oo carruur ah islamarkaana ay xirmeen ilaa 19 iskuul sida ay sheegtay wasaaradda Waxbarashada Puntland.



Developed by Jago Desain