Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii 8-aad uga baxaya dalka ....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaalkiisii 8-aad uga baxaya dalka

 


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan u socdaalo dalka Ugandha, kadib casuumaad rasmi ah oo ka helay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Kampala ayaa la xariira xoojinta xiriirka labada dal, iyo Iskaashiga dhanacyada Amniga, dhaqaalaha iyo la-dagaallanka Argagixisada, isagoo kulan la qaadanaya Madaxweyne Museveni.

Waa socdaalkii 8-aad ee uu dalka uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu horey booqasho ugu tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.

Uganda ayaa ka mid ah waddamada ay ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya, kuwaas qeyb ka ah howlgalka ATMIS, waxaana labadii maalin ee u dambeysay ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la kulmay dhiggiisa iyo Saraakiisha sare ee dalkaas.

Developed by Jago Desain