Maxaa kasoo kordhay wadahadaladii madaxwayne siciid dani iyo baarlamaaka puntland?

Maxaa kasoo kordhay wadahadaladii madaxwayne siciid dani iyo baarlamaaka puntland?

 


Wararka ka imanaya , magaalada garoowe ee caasimada maamulka puntland ayaa sheegay xalay inay kulan layeesheen guddi kasocday baarlamaanka maamul gobaleedka iyo madaxwayne dani, kaasoo looga hadlay xiisada kataagan maamulkaasi.

Kulanka oo kadhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa diirada lugu saaray sidii xal loogu heli lahaa xiisada udhaxaysa baarlamaanka iyo madaxtooyada, taas oo ka kadhalatay magacaabista xubnaha maxakamda sare oo ay ka biyo diideen galaha wakiiladu.

Wararka ayaa sheegay in haatan ay jirto isku soo dhowaasho labad dhinac ah, taas oo meesha looga saarayo mad madawgii soo kale dhaxgalay madaxtooyada iyo baarlamaaka.

.sida ay sheegayaan warar xogogaali , madaxwayne siciid dani ayaa ballan qaaday inuu mar kale soo magacaabayo xubnaha madaxakamada sare ee ay hore udiideen inay meelmariyaan barkamaanku,taas oo xudun u noqotay khilaafa siyaasadeed ee ka jira magaalada garoowe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in xildhibaanadu ka tirsan baarlamaanka puntland ay keensadaan xubnaha sare ee loo magacaabayo maxakamada sare,taas oo ay cadaadis ku saarayaan madaxwaynaha.

Waxaa sidoo kale suurtagala in madaxwaynuhu ciyaaro shax kale ,ismarkaan u usoo celiyo tiro kamid ah xubnihii hore loo diiday ee uu magacaabay.

Developed by Jago Desain