PUNTLAND OO BILOWDAY GURMADKA ABAARAHA IYO DEEGANADA GAARIWAA OO AAN WALI WAX GAARIN

Waxaa si rasmi ah todobaadkii hore Puntland laga daah-furay Hawlgalka Gurmadka Abaaraha Puntland kaas oo  muhiimadiisu tahay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka iyo  deegaanada ay aadka u saameeyeen Abaaraha gurmadkaas oo ka kooban sida gudigu sheegay  biyo dhaan , raashin, iyo dawo 

waxayna Puntland ku dhawaaqday in si degdeg ah loo gaarsiiyo dhamaan gobolada Puntland bishan Agoosto gudaheeda sidda guddigu ku dhawaaqeen 

 Dawlada Puntland Ayaa Ku dhawaaqady guddiga Abaaraha Ah ee Heer Gobol , sagaalka gobol ee puntland , inaskta oo ay wali soo gaarin hawlaha Gurmadku Deegaanada Gaari waa Gaar ahaan Gobolka Gardafuu 

Guddiga oo xiganaya Xogta ay soo saartay Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in ay jirto Xaalad Abaareed oo Culus islamarkaana ku baahsan dhammaan Gobollada kala duwan ee ay ka kooban tahay Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 345,00 qoys oo badankooduna yahay dadka ku nool miyiga ay saameysay abaarta, halka tiro gaareysa 87,660 qoys ay ku barakaceen xaaladda abaareed.

Guddiga ayaa ku baaqay in dadkaas Abaartu saamaysay lala gaaro Biya-dhaamis deg deg ah Gurmad dhanka Cuntada iyo dawooyinka ah.

Developed by Jago Desain