Qoraaga Salman Rushdie ayaa lagu dhaawacay New York.

Qoraaga Salman Rushdie ayaa lagu dhaawacay New York.

 

Salmaan Rushdie, oo ah qoraagii qoraalkiisa horseeday hanjabaado dil ah oo uga imaaneysay Iran sanadihii 1980-meeyadii, ayaa la weeraray Jimcada masnta ah xilli uu muxaadaro ka jeedinayay galbeedka New York.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa goob joog u ahaa markii weerarku dhacaayey, nin ayaa ku soo booday masraxa Chautauqua Institution oo bilaabay inuu feer iyo toorey isugu daro Rushdie.

Qoraaga ayaa dbulka ku dhacay, ninkiina waa la xakameeyay, oo la qabtey.

Buugga Rushdie ee uu buxiyey “Aayadaha Shaydaanka” ayaa laga mamnuucay Iran tan iyo sanadkii 1988-kii, dunida Muslinka ayaa u arkey buugaas inuu yahay mid aflagaado ah ku ah Idlaamka.

Sanad ka dib, hogaamiyihii geeriyooday ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini waxa uu soo saaray fatwo, ama amar, isaga oo ku baaqaya in la dilo Rushdie.

Lacag ka badan $3 milyan oo dollar ayaa sidoo kale loo fidiyay qofkii dila Rushdie.

Dowladda Iran ayaa in muddo ahba iska fogeysay go’aanka Khomeini, balse naceybka Rushdie ayaa sii jiray.

Developed by Jago Desain