Rasmi : Raala Odinga oo hogaaminaya Doorashada madaxweynaha Kenya

Rasmi : Raala Odinga oo hogaaminaaya Doorashada madaxweynaha Kenya

 

Raala Odinga ayaa ku horreeya tartanka doorashada madaxweynaha Kenya, sida ay muujineyso qeyb ka mid ah natiijada rasmiga ah ee ay sii daayaan guddiga doorashada.

Odinga ayaa codad ah 52.5 boqolkiiba ku hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Ruto oo haysta 46.7 boqolkiiba, sida ay muujineyso natiijada doorashada ee ay daayeen gudidiga, taasi ah 30 boqolkiiba goobaha codbixinta.

Doorashada ayaa si dhow loo daawanayaa, ayada oo ay tijaabo u tahay xasilloonida Kenya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dimoqraadiyadda wanaagsan Afrika, balse ay horey uga dhaceen codbixino ay hareeyeen rabshado iyo eedo ku shubasho. 

Ayada oo ay aad u dheeraatay shaacinta natiijada, ayaa guddiga waxay Jimcihii qireen in hanaanka tirinta uu ku socdo si tartiib ah, waxayna shacabka ka codsaeen inay dulqaad muujiyaan.

Odinga, oo 77 jir ah ayaa markiisii shanaad raadinaya xilka ugu sarreeyaa Kenya, balse waxa uu markan haystaa taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta oo mar ay xifaaltami jireen.

Ruto, oo 55 jir ah ayaa madaxweyne ku-xigeen ahaa ku dhowaad 10 sano, hase yeeshee waxaa la go’doomiyey markii ay heshiis gaareen Uhuru iyo Odinga sanadii 2018, taasi wax weyn ka beddeshay xulufeysigii siyaasadda Kenya. 

Developed by Jago Desain