SAWIRO: Gabar 14 bilood ku qortay Kitaab Qur’aan ah oo si farshaxan ah loo qoray

SAWIRO: Gabar 14 bilood ku qortay Kitaab Qur’aan ah oo qurux badan



"Waxaan aad u jeclaan jiray inaan gacantayda ku qoro nuqul Kitaabka Qur'aanka ah.

"Sanadkii la soo dhaafay waxaan qoray hal jus oo ka tirsan Qur'aanka waxaanan tusiyay waalidiintay iyo saaxiibaday. Aad ayey ugu farxeen dhigaalkeyga. Waxaan u sheegay inaan doonayo inaan Qur'aanka oo dhan soo guuriyo.

"Aad bay arrintaasi iigu dhiirigeliyeen hasayeeshee waxa ay ii sheegeen in ay adag tahay howshaasi."

Fatima Sahaba oo 19-jir jecel farshaxanka gacanta iyo dhigaalka ayaa ka sheekaysay guusha ay gaartay.

Hasayeeshee muddo 14 bilood ah oo ay ku qortay nuqulkan Qur'aanka ayaa waxaa la yaabay qofkasta, oo qaraabadeeda iyo saaxiibadeed oo kaliya ma ahanee waxaa guusha ay gaartay ku amaanay dad kale.

Fatima waxa ay ku nooshahay degmada Kannur ee gobolka Kerala ee koonfurta waddanka Hindiya. Markii ay yareyd ayey jacleyd waxqorista iyo inay gacanteeda wax ku sawirto.

Waxa ay samayn jirtay farshaxan ay tusiso waalidkeed, iyaguna waa ay ku dhiirrigelin jireen.

Markii ay gaartay fasalka sagaalaad ee iskuulka, waxa ay aad ugu soo baxday dhigaalka iyo farshaxanka. Inta badan maalintii wax umbay qori jirtay oo waxa ay ku tilmaamaysaa inuu ahaa "jaceyl ay u qabtay sayniskaas gaarka ah."

"Markaan iskuulka ka imaadaba waxaan dad kale wadabilaabi jirnay farshaxanka," ayey tiri.

Waxa ay sheegtay in aayadaha Qur'aanka Kariimka ay marwalba farxadgaliyaan. Marka waxa ay doonaysay inay Qur'aanka u qorto sida ugu wanaagsan ee loo qori karo.


"Bilowgii hore waxaan qori jiray mid ama laba jus," ayey Fatima tir. "Waalidkay aad ayey arrintaas ugu faraxsanaayeen.

"Muddo kaddib, waxaan arkay saaxiibaday oo iibsanaya dhammaan farshaxanka, waanan ku faraxsanaa inaan wax u sawirro.

"Arrintaas waxa ay sare u qaadday kalsoonidayda, waxaanan bilaabay inay rumaysto in waxa aan sameeyay ay muhiim u yihiin noloshayda."

Fatima Sahaba ayaa markii ay aheyd fasalka 10-aad waxa ay qoyskeeda kula noolayd waddanka Camaan.

Muddo kaddib qoyskeeda ayaa waxa ay dib ugu laabteen waddanka Hindiya, oo waxa ay dageen magaalada Kodaparamba ee deeaanka Kannur.

Markii ay dhammaysay iskuulka, Fatima waxa ay doonaysay inay barato farshaxanka, waxaana ay bilowday inay barato naqshadaynta qurxinta guryaha.

Waxaana ay haatan naqshadaynta gudaha guryaha ka barataa Koleejka Kannur.

Waxa ay sheegaysaa in haddii ay fursadi jiri laheyd uu qofwalba dooran lahaa nooca uu jecelyahay kaddib uu si adag uga shaqeyn lahaa sidii uu uga miro dhalin lahaa.

Ka hor inta aanay Qur'aanka qorin ayaa Fatima aabaheed waxa uu la hadlay Muftiga, waxaana uu waydiiyay in gabadhiisa ay Qur'aanka soo guurin karto.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma jiro diiniyan wax diidaya in Qur'aanka gacan lagu qor marka Fatima waxaa loo fasaxay inay dhigaalka bilowdo.

"Aabe ayaan waydiiyay inuu iisoo iibiyo khad, qalimaan iyo waraaqo, wax walbana waxa uu ka soo iibiyay dukaan aanan gurigooda ka fogayn.

"Maalinkasta markii aan kuleejka ka soo laabto waxaan qaadan jiray waqti nasiino ah. Salaadda Maqrib kaddibse waxaan bilaabi jiray guurinta Qur'aanka.

"Waxaan dhigaalka bilaabay bishii Agoosto ee sanadkii hore waxaanan guurinta soo afjaray bishii Sibteembar ee 2021-ka."

"Gabdho iyo wiilal ayaa iga yaryar, oo waxaan u haystay inay I dhibi doonaan markii aan qorayo cutubyada Qur'aanka hasayeeshee waxaan la yaabay in aanay I dhibinba, balse ay siyaabo kala duwan igu caawinayeen."

Fatima waa ay ogeyd shaqada wanaagsan ee ay hayso, oo waxa ay doonaysay inay si qurux badan u dhammaystirto.

"Waxaan ka cabsanayay inaan khalad sameeyo marka aan Qur'aanka guurinayo," ayey tiri.

Fatima si aanay khalad u samayn waxa ay dhigaalkeeda bilowgiiba ku samaysay qalin qori.

"Markii aan xaqiiqsado in wax khalad ah aanan samayn ayaa waxaan markaas kaddib ku qori jiray qalinka khaddiisu aanay go'ayn," ayey tiri.

 balse markii dambe waa ay yara dabacday, balse markii aan qoraalka sii waday way ii kala baxday," ayey tiri.



'Fatima aad ayaannu ugu faannaa'

Waalidiinta Fatima Sahaba ayaa aad ugu faraxsan gabadhooda oo waxa ay sheegayaan in ay ku faanayaan guusha ay gaartay.

Hooyo Naadiya Ra'uuf ayaa sheegtay "Barakada Alle ayey Fatima ku dhammaysay shaqadeeda. Dhammaantayo waannu ku faanaynaa shaqadeeda iyo shakhsiyadeedaba. Waa gabar howlkar ah, wax walbana way u hagarbaxdaa."

"Allaah ayaan uga mahadcelinayaa inuu I siiyay gabar qurux badan oo Ilaahay ka cabsata," ayuu yiri Cabdura'uuf, Fatima aabaheed.

Fatima ayaa sheegtay in waalidkeed aanay abid ka hor istaagin inay riyadeeda ka guulgaarto. Aabe aad ayuu u farxaa markii dadku ay jeclaadaan dhigaalkayga markastana shaqadayda wuu mahadiyaa.

Fatima Sahaba ayaa sheegtay inay jeceshahay farshaxanta iyo qurxinta guryaha si ay usoo baxaan.

"Waxaan doonayaa inaan noqdo macallimad dhigta sayniska farshaxanka," taasi waa waxa ay ku hamiyayso.

Waxa ay sheegaysaa in markii ay yareyd ay gabdhaha saaxiibadeed ah ay cillaanka u saari jirtay. Saaxiibadeedna waa ay jeclaysan jireen naqshadda ay cillaanka ugu saarto.

"Sababtuan waxa ay aheyd in cillaanka aan marinjiray uu dhab ahaantii ka duwanaa kuwa kale. Markaan middaasi arkayna hididiilo horleh ayaan u qaaday farshaxanka dhigaalka. Waxaa jira naqshado badan oo lagu dhigo luuqadda Carabiga kuwaas oo soo jiidanaya farshaxaniistaha."

Fatima ayaa haatan inta badan waqtigeeda waxa ay ku qaadataa waxbarashada iyo farshaxanka, sidoo kalana waxa ay jeceshahay inay saaxiibadeed waqti la qaadato.

"Waa arrin wanaagsan inaad saaxiibo leedahay, waanan ku faraxsanahay inaan la hadlo," ayey leedahay.

"Waan yara xishoonayaa, hasayeeshee haatan waxaan ku faraxsanahay sida ay arrimuhu ku socdaan iyo in la iga hadlayo. Waxay ila tahay waxaan helay qiimihii howshii adkayd ee aan qabtay. Markii dadku ay wax wanaagsan iga sheegaan, waan farxaa, waayo yaanan jeclayn in wax wanaagsan laga sheego?"




Developed by Jago Desain